19 maalin ayaa ka hartay muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sidaas ay tahay waxaa fashilmay dhammaan jadwaladii doorashada ee guddigii doorashada ee lagu muransanaa.
Haddaba, si jawaab loogu helo maxaa xiga? ayaa wareysi arrintaas kala yeelanay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan, bare jaamacadeed iyo cilmi baare, horayna uga tartamay jagada madaxweynaha Soomaaliya.
Prof Samatar ayaa sheegaya in xaaladda ay mucaaradka ku sugan yihiin aaney isbadal keeni karin xilligan isaga oo soojeediyey in haddii la rabo natiijo fiican ay tahay iney murashaxiinta joojiyaan isbar-bar yaaca, oo la wada ordayo iyo marka meesha la tago ayaa la arki doonaa, oo ay isu tanaasulaan, kuna heshiiyaan mabd’a iyo hal murashax, haddii taasi la waayana ay fursad siin doonaan cidda kasoo horjeeda.




From the comments