Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay dowladda Itoobiya ay qabsatay deegaanno ka tirsan dhulka Soomaaliya, isaga oo ku ku eedeyay in ay ku soo xad gudubtay deegaanno ka tirsan gobalka Hiiraan, oo calan ka taagtay.
Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in 16 km ay gudaha xududka ay u soo gudubtay Itoobiya, iyadoo Calankeeda ka surtay deegaan ka tirsan Gobalka Hiiraan, waxa ayna soo qabtan askar si sharci daro ah ku soo gashay dalka oo Itoobiyaan ah .
“Tuulada Abaalay 16-KM ayeey ku jirta gudaha Soomaaliya, calanka Itoobiyanaa ka taagan , Ma garan karno sababta looga taagay 16 kiilo mitir iyo bar ayey gudaha u soo gashay,.” guddoomiyaha gobolka Hiiraan




From the comments