Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku baxay deegaanka Iskushuban oo ka tuirsan gobolka Bari oo shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed, oo deegaanka wadadega, waxaana saaka degan xaaladda.
Dagaalka oo soo gaaray ilaa shalay gelinkii dambe ayaa waxaa uu u dhexeeyey maleeshiyaad deegaanka ah, kuwaas oo ku murmay dhuldaaqqsimeed, waxaana dagaalka uu sababay khasaarebadan dhimasho iyo dhaawac isugu jiro.
Wararka aan helayno ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen 5 ruux oo labada dhinac ah, halka uu jiro dhaawacyo ku kabadan 10 ruux oo ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Iskushuban ee gobolka Bari.




From the comments