Shirkadda Twitter ayaa sababo laxariira ku xadgudubka xeerarka shirkadda uhakisay akoonkii ololaha doorashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kadib markii mareegta ololaha Trump lasoo galiyay sawirka astaanta shirkadda, oo uu lagu dahaaray, calanka shuuciyadda.
Mar sii horreysay, shirkadda ayaa xirtay akoonka gaarka ah ee madaxweyne Trump, waana markii ugu horreysay ee ay shirkadu mamnuucdo koontada madaxweyne waddan. Koontada Trump ayaa lahayd in ka badan 88 milyan oo qof oo raacsan,
xayiraadda waxay ka dhigantahay aamusinta trump maalmahiisa ugu danbeeyay ee ka hor dhammaadka xilligiisa. Talaabadan ayaa timid kadib sanado badan oo muran uu ka taagnaa sida shirkadaha baraha bulshada ay u maareeyaan akoonada hogaamiyaasha aduunka ee awooda badan.




From the comments