Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan howl-gallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Danab ay ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.
Howl-galladaan ay ciidamada Danab Sameeyeena ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Tooratoorow, waxaana lagu soo warramayaa in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur (Beer-yare) oo ah taliyaha ururka 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku burburiyeen gaari lagu diyaarinayey walxaha qarxa, kaas oo uu tilmaamay in lagu dhibaateyn rabay shacabka.




From the comments