Maxkamad Sacuudi ah ayaa ku xukuntay Lijiin Al-Hadool 5 sano iyo 8 bilood oo xarig ah, xukunkana waxaa laga jaray labo sano iyo 10 bilood oo horay u xirneyd.
Warbaahinta Sacuudi Carabiya ayaa ku warantay in maxkamadu ay xukuntay Lijiin Al-Huduul iyada oo lagu eedeeyay in ay dadka kicinaysay si wax looga badalo nidaamka aasaasiga ah ee dawladda, iyada oo doonaysa in gudaha boqortooyada, ay ka fuliso ajande dibadeed, sidoo kale in ay internetka u adeegsatay si ay u waxyeeleeyso, Hannaanka guud iyo la shaqaynta ay la shaqaysay tiro shaqsiyaad iyo hay’ado ah, waxayna sheegtay in tani ay ku timid nidaamka la dagaalanka dambiyada argagixisada iyo maalgalintooda.
Jack Sullivan oo ah masuulka uu magacaabay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden si uu u buuxiyo booska Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka ayaa sheegay in xukunka ka dhanka ah Loujain Al-Huduul “ee lagu haysto kaliya in ay adeegsatay xuquuqdeeda caalamiga ah uu yahay xukun aan cadaalad aheyn oo qalqal abuuraya.”




From the comments