Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa weli kasii socda baaritaanno ay sameynayaan ciidamada ammaanka, kaas oo lagu xaqiijinaayo amniga magaalada, sida ay sheegayaan wararka aan helayno.
Ciidamada xoogga dalka iyo nabadsugidda ayaa saaka waxaa ay si gaar ah u baarayaan xaafadda Carafaad ee magaalada, iyadoo dadka shacabka aysan kasoo bixi karin guryaha, laguna amray in ay ku nagaadaan hoygooda.
Waxaa sidoo kale saaka hakad ku jira waxbarashada jaamacadda weyn ee Gaalkacyo oo ku taallo isla xaafadda waxaana ardaydu ay yihiin kuwa aan aadain jaamacadda, waxaana macquul ah in gelinka dambe dib loo fasaxo.




From the comments