Ibraahim Cabdullahi, oo 29-jir ah , ayaa maxkamad ku taalla Magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska waxaa ay ku riday xukun xabsi waqti dheer ah .
Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah , kadib markii lagu helay in uu dhaawac uu u adeegsaday tooreey uu ku dhuftay Lanush Alija oo ay ku dagaalameen waddada lagu magacaabo Hutton, oo ku taallo magaaladda Sunderland bishii November ee sanadkii 2019-kii.
Lanush Alija ayaa la sheegay in uu Dhaawac culus ka soo gaaray cuna mareenka, taas oo ugu danbeyn keentay in la dhigo isbitaalka weyn ee magaaladda Sunderland .




From the comments