Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo habeenimmadii xalay ka hadlayey munaasabad lagu maamuusayey laba sano guuradii ka soo wareegtay markii loo doortay xilka madaxweynha maamulkaas ayaa khudbad uu jeediyey waxaa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka , waxaana uu sheegay in uu doonayo inuu waanwaan ka galo Khilaafka u dhaxeeyo Jubbland iyo dowladda federaalka ee Gedo.
“Waxaan halkaan fariin uga diraayaa mas’uuliyiinta Jubbaland oo ugu horeeyo saaxiibkay walaalkey Axmed, Madaxweyne Axmed waan kaala shaqeynaynaa nabadda iyo sidii Jubbaland ay kusoo noqon laheyd dadkaas walaalaha ahna ay kuwada nooolaan lahaayeen, umana baahno maanta in dad dambe oo walaal ah ay xabad isku ridaan oo la yiraahdo ciidan ayaa socda intii hore ayaa naguu filan Insha allah waxaan jecelahay inaad nala qaadan doontaan” ayuu yiri madaxweyne Laftageen.
Sidoo kale Madaxweynaha oo sii hadlaayo ayaa yiri” Waxaana rabaa inaan halkaan aan ka sheego baaq nabadeed in aysan dib danbe aysan xabad uga dhicin Jubbalanad iyo gobolka Gedo, anniga oo ku hadlaayo magaciina inaan nabadeyntaas u istaago jubbalanad iyo dib u heshiisiintii aan horay u balan qaaday inaan hormuud ka noqdo aanan ka shqeeyo dadkaas walaalaha ah in uurkooda illahey Burcad isku mariyo aniga oo shacabka iyo dowladda Koonfur Galbeed ka codsanaayo inaan kawada shaqeyno kalsoonidaas” ayuu yiri maadaxweyne Laftagareen.




From the comments