Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii uu murashaxa ahaa waxaa uu balanqaaday arrimo badan, waxaa ka mid ahaa inuu u arkayey in jidadka la xirayo ay u dhiganto caburinta shacabka, halka dibadbaxyada lagu taageerayo isaga uu u arki jiray kacdoon iyo halgan wax lagu saxayo.
Mar uu ka hor hadlayey baarlamaanka 10-aad isaga oo xil raadis ah waxaa uu yiri “Waxaynu badalaynaa sidoo kale haddii aad fursad isiisaan , aad ii doorataan xilka aan raadinaayo hadduu ilaahay yiraahdo, in dowladdu ay awoodeeda ay ku cabirto shacabka, intay u adeegi lahayd. Jidadkani la xiraayo oo maalmahoo dhan xiran, waxaa waaye waa qeyb ka mid ah caburin , hadaad idoorataan magaaladaan nabad keeni waayo baabuurtii waaweyneed ayaan gadaal ka galayaa, jid la xiraayo ma jiraayo. Markaan Al-shabaab ka adkaanayo markaas ayaan baabuurta ku raaxeyanaa laakin isma keeneyso adoo dagaal ku jira in jidadka ay dadka umadda xiranyihiin wax loo baahan maahan”.
Dhanka kale, Farmaajo inta aanu madaxweyne noqon waxaa uu dibadbaxyada lagu taageerayo u arkayey kacdoon shacabka iyo halgan halka maanta uu diidayo.




From the comments