Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo saaka mar labaad ka hor istaagay mucaaradka iney dibadbaxaan, isla markaana ay ciidamada amniga kala ceyriyeen dadkii bannaanbaxayey waxaa uu horay inta aanu madaxweyne noqon dibadbaxa ka aaminsanaa inuu yahay halgan iyo kacdoon gaar ahaan kuwa isaga lagu taageerayo.
Farmaajo oo mar ka hadlayey dad isaga dartii u dibadbaxayey oo la dilay waxaa uu yiri “Halganka meeshiisa hala socdo, kacdoonka waa socdaa, labadii qof ee Xamar ku dhimatay alla ha u naxariisto, labo qof ayaa ku dhimatay Xamar, mar walbo in la xusuusnaado waaye, hal qof magaciisa waan hayaa, qofka kale magaciisa markaan helo, meel kasta oo aan tageyno, inaan sheegno waaye, maxaa yeelay sidiina oo kale ayey usoo baxeen, laakin toodabaa dhamaatay, marka inaan xusuusnaado waa loo baahanyahay”
Famaaho oo markaas murashax ahaa waxaa uu khudbadiisa ku soo gabagabeeyey “Halganka waa soconayaa, ilaa Soomaaliya ay ka hesho dowlad rasmi ah, oo cadaalad ah oo loo siman yahay”.




From the comments