Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey dibadbaxyadii dhacay talaadadii ayaa sheegay iney soo soconayaan oo weliba ay ka qeyb geli doonaan madaxda mucaaradka.
Madaxweyne Xasan oo arrinkan ka hadlayey ayaa yiri” Waxaan dhiirigelineynaa dadka Soomaaliyeed ee ra’yigooda iney cabiraan si dimoqaadiyad ah oo nabad ah oo arkeyseen iyaga oo hadalyo, oo colaad iyo cunfi aan qabin,nabad ayaan rabnaa, magaaladan iney dunto ma ogolin, dhibaato ma rabo in la xabadeeyey, waxaan leenahay waxa aad sameyseen xuquuqdiina dastuuriga ahaa waaye, waan ku soconeynaa, haddii aan nahay siyaasiyiinta iyo midowga murashaxiinta bannaanbaxyadaas waan ka qeyb galeynaa, annaga ayaa qeyb ka noqoneyno, bannaabaxyadaas dimoqoraadiyadda ah oo nabadda ah”.
Dhanka kale, Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in bannaanbixii talaalada ka dhacay magaalada Muqdisho aan lasoo ogeysiin hay’adaha amniga isla markaana aan loo baahneyn rabashado “Wixii maanta dhacay waxay ahaayeen falal amniga looga horjeedo oo wax-ma-garad la soo abaabulay oo iyagoo weliba qoryo wata jidadka lasoo tuba”




From the comments