Abuukar Xaaji oo ku magac dheer General Xuud oo horay uga tirsanaa xoogga dalka ayaa haatan waxaa uu Baladweyn ka hoggaaminayaa maleeshiyaad raadinaya dalab beeleed ka dhanka maamulka Hirshabelle.
Haddaba, Waa Kuma Abuukar Xuud:
General Xuud oo horay taariikh nololeedkiisa uga sheekeeyey Goobjoog News, waxaa uu bartay kulyada Siyaasada, waxaa uu heerka labaad ee Jaamacada “Master Degree” uga baxay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal wadanka Ruushka, waxaa uu soo noqday Talihii horrinta 1-aad ee ururka magaalada Dhuusamareeb iyo Hargeisa ee Waqooyi ee dowladii Maxame SIyaad Barre, sidoo kale waxaa uu qeyb ka ahaa dagaalkii u dhaxeeyay Somaaliya iyo Itoobiya ee dhacay Sanadkii 1977.




From the comments