Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka oo howlgallada ka wada gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab, halka ay tiro kale ay ku dhaawaceen.
Howlgalkan ayaa waxaa uu si gaar ah uga u dhacay deegaanka Maracadde oo u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Marka waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 17 ka tirsan al-shabaab, halka 6 kale lagu dhaawacay.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay intii howlgalka uu socday in ay burburiyeen xarumo Al-shabab ay ku lahaayeen deegaanka oo ay kamid aheyd Maxkamad, sida ay baahisay idaacadda ku hadashasha afka ciidamada xoogga.




From the comments