Dowladda Itoobiya ayaa guulo waxaa ay ka sheegatay dagaalka gobolka Waqooyiga dalkaas, waxaana ay durgayaan magaaliyin gobolka waxaa xoogaga u daacad ah maamulka gobolkaas ee TPLF, ka qabsadeen magaalada Adigrat.
Maamulka gobolka ee Tigray ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey gobolkaas, waxaana jirin faahfaafin intaas ka dheeraad ah oo ay biyeen, maadaama isgaarsiinta ay ka maqantahay hawada oo la jaray isgaarsiinta gobolkaasi.
Afhayeen u hadlay xukuumadda Itoobiya ee hoggaamiyo Abey Axmed ayaa sheegay in Ergada Midowga Africa uu soo magacaabay aysan tagi karin gobolka, laakiin ay la kulmi karaan oo kaliya Ra’iisalwasaaraha dalkaasi Abay.




From the comments