Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa go’aansaday in la baxo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo xarun ku lahaa muddo dheer deegaanka Balli-doogle ee gobolka Shabeellada hoose.
Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu madaxweyne Donald Trump ciidamo uga saarayo sidoo kale dalaka Afghanistan iyo Ciraaq.
War kasoo baxay talaadadii Pentagon-ka ayaa lagu sheegay Trump uu ciidamada u jooga Afghanistan oo hadda ah 4,500 ka dhigi doono 2,500 bisha Jan 15-keeda, yacni shan maalin ka hor inta aanu xilka wareejin, waxaa kale oo Ciraaq ka saari doonaa 500 isla waqtigaas.




From the comments