Madaxda qaaradda Afrika ayaa waxaa ay isku dayayaan sidii xal loogu heli lahaa xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Tigree dalka Itoobiya iyo sidii dowladda loogu qancin lahaa in ay wadahadal ku badesho dagaalka.
Madaxweynaha wadanka Uganda Yoweri Museveni ayaa siyaabo kala duwan ula kulamay madaxweynihii hore ee Naigeria Olusegun Obasanjo iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Demeke Mekonnen.
Madaxweynaha wadanka Kenya ayaa dhankiisa ku biiriyey baaqa ku aadan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ka socda gobolka Tigree, kaas oo sababay barakac badan oo reer Itoobiyaha oo ka baxay dagaalka gobolkaasi.




From the comments