Ciidamada ammaanka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay degmada ka sameeyeen howlgallo, kadib dhaawac halkaasi mas’uul loogu geystay.
Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii habeenimadii xalay kooxo hubaysan ay bartamaha magaalada ku dhawaaceen Hantidhowrihii degmada Cabdi Rashiid Cabdiqaadir Warsame, kooxdii falka geysatay ayaana goobta isaga baxsatay.
Ciidamada ayaana howlgalka ka sameeyey xaafadaha magaalada Baardheere, iyaga oo qabtay dad u badan dhalinyaro, waxaana ku socda baaritaanno dadkaan lasoo qabtay intii uu socday howlgalkaan.




From the comments