Wasiirka dekedaha iyo Kalluumyesiga Galmudug Cabdinaasir Nuur Shuuriye ayaa talaadadii sheegay in wasaaradiisa ay heshiis caalami ah la gashay shirkadda Oriental Company oo ay ku mideysan yihiin seddex shirkadood oo Turki, Ingriis iyoSsoomaali isugu jira oo ku howlan dhismaha dekedda hobyo.
Hishiiskaan waxaa dhanka Galmudug u saxiixay wasiirka dekedaha iyo kalluumeysiga, Cabdisabir Nuur Shuuriye, halka dhinaca bariga ay u mataleen Crom ltd, hobyo investment ltd, indian ocean holding ltd.
Xafladda saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Holman Fenwick Willan (hfw), oo ah sharikad ka shaqeysa arrimaha sharciyada badda ee uk oo kala Talinaysa sharciga dowlad goboleedka Galmudug.













From the comments