Oktoobar tirsiimo ahaan waa bisha 10aad ee 12sanadka miilaadiga ee 12bilood ka kooban. Waa maalin ka duwan maalmaha xoriyadda ee la wayneeyo, waa maalin waynaynteedu xilli bilaabatay xillina dhamaatey. Ciidamadii dalka ayaa maalintaas 21ka Oktoobar awooddii dalka la wareegay, waxay laaleen dastuurkii aftida dadweyne lagu ansaxiyay 20kii July 1961. waxayna 21ka oktoobar maamuus dhaaftey maalin kasta oo dalka lagu waynayn jiray. Waxay heshay ammaan iyo wax walba oo ayada loo hibeeyay. Abwanadaii fanka ayaa soo saaray Okoobareey adaa lahaa. Gudigii kacaankaa hogamiyayna waxay ka dhigeen halyeeyo go’aanka ay gaaraan aan soo laabad lahayn. Gudigaa Hogaamiyihiisiina waxaa lagu sharfay aabaha ummadda, guulwade iyo siraadka Afrika oo ah shakhsiiyad dhis halkii ugu danbeysay.
Dadbadan ayaa xasuusta fantasiyihii maalintan 21ka Oktoobar loo samayn jiray sanad walba, xoogaga bulshada iyo ciidamada Qalabka sida waxay maalmo diyaarin jireen sidii maalintaa loo soo bandhigi lahaa awoodii kacaanka, ayagoo bandhig cir iyo dhul is watey ku soo bandhigi jirey fagaaraha tarabuunka loo yaqaan ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale ayaa dalka meel walba 21oktoobar ka tilmaaneed, xuska loo sameeyana shaqalaha ay ku heli jireen maalmo fasax ah. Kacaanka askarta sameeyeen ee oktoobar ka fadiley bilihii kale waxa uu dalka ku soo rogay nidaamnkii hantiwadaaga ee uu kaga dayday dalalkii bariga ee Midowgii Soofiyeeti horkacayay, waxaana tacliintii laga bartay hantiwadaaga laga soo miinguuriyay falsafadihii Karal Markis, Angeles iyo Lenin. Waxaana intaa dabadeed la dabadhigay Maxamed Siyaad Aabihii garashada geyiga Soomaliyeed.




From the comments