Guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka Cabdullahi Maxamed Jimcaale ayaa ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Kheye ku eedeeyey xadgudub, dhaqan xumo dowladeed isaga oo ra’isul wasaare Rooble ka dalbaday wax ka qabasho.
Cabdullahi Maxamed Jimcaale oo arrintaas ka hadalaya ayaa yiri”Arrinta koowaad oo ah shuruucdii dalka iyo dastuurka lagu tuntay, waxaa ka mid sharciga hey’adda maareynta musiibooyinka, oo ka mid shuruucda lagu qasban yahay, sharcigaas waxaa baa’biyey March 17, 2017 waxaa la magacaabay wasiirro iyo ku xigeenno oo wasaaradahaas ka mid ah wasaaradda maareynta iyo musiibada, wasaaraddaas aharci looma sameyn, awood la laheyn, oo heshiisyo geli karin oo howalo loo xilsaaray jiray ayaa lagu wareejiyey miisaaniyaddii hey’adda, shaqaalaheeda iyo shaqaalaheeda”.
Hey’adda maareynta musiibooyinka ayaa ka sheeganeysa in aaney waxba qabin isla markaana awoodeeda iyo hawlaheeda shaqo lagu wareejiyey wasaarad.




From the comments