Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi oo horay loogu xiray kufsi uu u gaystay Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.
Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir.




From the comments