Warar aanu ka helnayo safarka ay Muqdisho ku imaanayaan saacadaha soo socda madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbanad Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sheegaya in marka ay Muqdisho yimaadaan uu jadwalka shaqo ugu horeeyo la kulankooda beesha caalamka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay beesha caalamka iyo labada madaxweyne ay ku kulmi doonaan Airportiga Aden cadde ee gudaha caasimadda Muqdisho.
Kulankan ayey geli doonaan kahor inta aaney la kulmin Farmaajo si ay ugala hadlaan doorashada 2020/2021 iyo natiijada shirkii Dhuusamareeb 3.




From the comments