Ra’isulwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu iska casilayo jagadiisa sababo caafimaad xumo awgeed, isaga oo soo afjaray muddo xileedkiisa oo ah ra’iisul wasaarihii ugu mudada dheeraa ee dalkaasi kuna dadaalay soo nooleeynta dhaqaalaha dalkaasi uuna riixay xoojinta awoodda ciidan ee Japan.
Iscasilaaddiisa lama filaanka ah ayaa horseedaysa dagaalka xubnaha xisbigiisa Liberal Democratic Party (LDP) ay toddobaadyada soo socda u gali doonaan buuxinta jagada ra’isulwasaarenimo. Qofka ku guuleysta jagadaasi ayay u badan tahay in uu sii ambaqaadi doono siyaasadaha Abe ee loo yaqaan “Abenomics” ee keentay natiijooyin isku dhafan ee dib u soo nooleynta dhaqaalaha saddexaad ee ugu weyn dunida.
Abe ayaa muddo sanado ah la dagaalamayay cudurka xiidmaha (ulcerative colitis), iyadoo laba booqasho oo uu toddobaad gudihiis ku tagay isbitaalka ay sababtay in su’aal laga keeno in uu xafiiska sii joogi karo ilaa iyo inta uu ka dhamaanayo muddo xileedkiisa oo ku eg bisha Sebtember ee sanadka danbe.




From the comments