Waxaa uu dib u dhac ku yimid booqasho lagu waday in maanta ay ku yimaadaan caasimadda Muqdisho madaxweyneyaasha Puntland Saciid iyo Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe , si maamulka Farmaajo ugala hadlaan arrimaha doorashada.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda dib ugu laabto caasimadda Jubbaland ee Kismaayo halka Deni oo sii joogayo Garoowe.
Madaxweyneyaasha Deni iyo Madoobe ayaa wararku intaasi ku darayaan in aaney meesha ka saarin imaanshiyahooda Muqdisho balse ay dib u dhacday, iyada oo la filayo in mid weliba uu Xamar uga yimaado dowlad goboleedkiisa.




From the comments