Aqoonyahanno iyo axsaab kala duwan oo la hadlay Goobjoog News ayaa meesha ka saaray baahida loo qabo horkeenista goleyaasha sharci dejinta ee federaalka ah heshiiska doorashada ee Dhuusamareeb 3, iyaga oo ku taliyey in wixii halkaasi la isku afgarto ay ku koobnaad labada gole ee heer federaal, waxaa kale oo ay ka digeen in Farmaajo uu Dhuusamareeb geeyo wixii uu la joogay Villa Somalia oo ah kutumashada sharciyada dalka.
Maxamed Mukhtaar, madaxa machadka SIPAM oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu sheegay in natiijada ka soo baxeysa shirka Dhuusamareeb 3 aanan loo baahneyn in la keeno baarlamaanka federaalka ah isaga oo ku sababeeyey in goleyaasha sharci dejinta ee federaalka ah ay hadda heystaan labo sharci doorasho oo kala duwan-Midkii Baydhabo ee matalaadda isku dheelitiran, liiska xiran ahaa iyo midka kale ay dhowaan sameeyeen in guuleystaha uu soo baxayo-, Tan Dhuusamareeb 3 oo ah xal siyaasadeed oo ay gaarayaan labo heer dowladda federaalka ay dhici karto iney ka sii duwanaato, horkeenista heshiiskaas ee baarlamaanka federaalka ah ay tahay waqti lumis iyo gadaal kasoo bilaabid, laguna kalsoonaan karin iney ixtiraamayaan, sidaas darteedna aan loo baahneyn in heshiiskaas cid kale wax laga weydiiyo.
Guddoomiyaha xisbiga Daldhis Cabdiraxmaan Xuseen Cadow oo isna arrintaas kala hadlay Goobjoog News ayaa yiri “Sida caqliga ku jiro oo saxda ah waa in heshiiska Dhuusamareeb 3 aanu madaxweynaha kula soo laaban golaha shacabka ee BF, laakin aniga taasi shaki ayaan ka qabaa, waxaan rumeysanahay in Farmaajo aanu Dhuusamareeb u tagin xal, ee ujeedkiisu yahay uun qancinta beesha caalamka isaga oo ajendihiisa qarsoon kula soo noqon doona golaha shacabka, ayna u meelmarin doonaan”.




From the comments