Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ooop la hadlayey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa u sheegay in wada hadliddu tahay heshiis, isaga oo balanqaaday in golaha uu ku soo celin doono heshiis walba oo ay xukuumadiisa la gaarto dowlad goboleedyada, ee ka dhaca Dhuusamareeb.
“Waxaan golaha shacabka ku soo celin doonaa heshiis walba oo aan la gaarno dowlad goboleedyada si aad u sharciyeysaan” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadalaya ayaa intaa ku daray in golaha shacabka uu matalo 15 milyan oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada isla markaana uu yahay marjaca wax walba loogu noqdo.




From the comments