
Xassan Abshir Faarax, waxa uu soo noqdey guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho , kadib waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, oo bilowgii ka noqdey Wasiirka Arrimaha gudaha, kadib waxa uu kamid noqdey siyaasiyiintii ka qaybgalay shirkii Carta 2000, waxaana uu noqdey Xildhibaan iyo wasiir, kadib markii xilka laga qaadey raysalwasaare Cali Khaliif Galayr, waxa uu noqdey ra’isulwasaaraha Soomaaliya dowladdii kumeelgaarka ahayd sanadkii 2001. mar kale ayuu ka mid noqdey baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 2004, ilaa sanadkii 2015 markaas oo uu iska casiley.





From the comments