Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmugud Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay khudbad ka jeediyey gunaanadka shirka wadatashiga madaxda maamul goboleedyada oo ku soo idlaaday magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa dhammaan martidii ka soo qeyb gashay uga mahadceliyey sida ay u ajiibeen gogosha ay ku marti qaadeen iyo sidoo kale mahad celin u jeediyey shacab reer Galmudug oo xil iska saaray marti gelinta shirka.
” Shirkii wadatashiga, dowladaha xubnaha, dowladda federaalka, sida aad ogtihiin ama aad la socotaan noogu soo gaban gaboobay, jawi ka turjumaya, xaalaha dalka ka jira, xaaladaha na hor yaalla iyo sida ay tahay in loo wajaho, towfiiq iyo talo ayuu ku soo dhamaaday. Wuxuuna noogu xirmay ugu dambeyn wajigiisii koowaad taladaas iyo sida loo tilmaamay xalka iyo xaaladda hadda jirta sida ay u wada socon karaan” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
















From the comments