Berri oo talaado ah, 14-ka bisha xuriyadda ee Luuyo, waxaa mar kale maxkamadda gobolka Banaadir hortagi-doonna tifaftiraha guud ee Goobjoog iyo agaasime ku-xigeenkeeda Cabdicasis Axmed Gurbiye.
Weriye Gurbiye ayaa wajahaya dacwo uu garwadeen ka yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulahi Farmaajo taas oo ujeedkeedu yahay in weriyaha la aamusiyo inta xilka madaxweynaha ka dhimman.
Kiiska loo heysto weriye Gurbiye, oo saxaafadda u taqaanno “Kiiska guurguura”, waxaa markii hore ay eedeyntu aheyd qodobka 220 ee xeerka ciqaabta oo ah sharaf dilka madaxweynaha jamhuuriyadda waxaase muuqata in hadda la badalay oo laga dhigay qodobbada 269 iyo 328 ee isla xeerkaas oo ka hadlaya ka been abuur hey’ad garsoor taasi uu Mr. Gurbiye ku beeniyey maxkamadda horteeda isaga oo garsooraha dacwada qaadaya u sheegay in aanu dambigaas gelin, una dhowaan hey’adaha garsoorka.




From the comments