Wasiirka amniga gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa tabar u furay askar kamid noqoneyso Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo lagu xareeyey xerada Dhaan Karoone ee duleedka degmada Gelinsoor.
Wasiirka ayaa sheegay in askartaan lasiin doono tabar dhowr bilood ah loona carbinayo sidii ay uga mid noqon lahaayeen aasaaska daraawiista dowlad goboleedka.
Ciidamadaan ayaa horay ugu xareysnaa xerada indhoqaris ee duleedka deegaanka Docol ee gobolka Mudug ayaa waxaana loo soo wareejiyey xeradaan si ayu u qaataan tabarkii u haray.




From the comments