Safiirka Midowka Yurub u fadhiya Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa maanta magalaada Muqdisho kulan kula yeeshay ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Ra’isulwasaare kheyre iyo safiirka ayaa ka wada hadlay sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha oo la filaayo in dalka ay ka dhacaan sanadka 2021-ka.
Sidoo kale waxaa siweyn ay u falanqeeyeen arrimaha amniga dalka iyo sidii midowga Yurub ay u xoojin lahaayeen kaalinta ay qaataan amniga Soomaaliya. iyo dhameystirka hannaanka deyn cafinta dalka oo meel wanaagsan gaaray.




From the comments