Al-shabab ayaa maanta dil u geystay Xildhibaanka tirsan dowlad goboleedka Hir-shabeelle, kaas oo lagala degay gaari uu saarnaa oo marayey gobolka Shabeellaha dhexe.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa gaari ka soo raacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, kaas oo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho,.
Al-shabaab ayaa xildhibaanka la degay xili gaariga uu maraayey deegaanka Gololeey ee gobolka. waxaana mas’uuliyadda dilka xildhibaanka ay ku sheegay baraha ay ku leeyihiin Internetka.




From the comments