Allah u naxariistee waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday, taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta dowladda goboleedka Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheikh Cusman Axmed.
Marxuumka ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa Isbitaalka yallo magaalada caasimadda u ah dalkaasi, taliyaha ayaa ugu dambeyn maanta ku geeriyooday gudaha Isbitaalka.
Allah u naxariistee S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cusman Axmed ayaa ka mid noqday saraakiisha ciidamada dowlad goboleedka Puntland, waxaan xilka taliyaha loo magacaabay 2007, xilligii Xukuumaddii Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse).




From the comments