Ciidamadda Kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo Gorgor oo siwada jir ah u howlgalaya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno hoos yimaada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellah hoose.
Howlgalkaan ayaa si gaar uga dhacay deegaannada Jilib Marko iyo Gandarshe, kuwaas oo dhulka xeebta ah ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada Marka, oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Taliyaha guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda qalabaka Sida ayaa sheegay in ciidanka intii ay howlgalku socday ay ku dileen laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabab.




From the comments