Wafdi ka socday dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku baxay dagaal dhowaan ka dhacay deegaan ku yaallo xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka.
Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin ka tirsan nabadgalyada iyo cadaaladda dowlad deegaanka, waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha hoggaanka Dr Xuseen Xaashi, iyada oo deegaanka siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigaan ayaa dabajoogay dagaal ka dhacay deegaanka Abaaley oo hoos yimaado deegaanka Feerfeer, kaas oo ay ku dhinteen dad gaarayo ilaa lixruux, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tirio kale.




From the comments