Deegaanka Abaalay ee xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya, ayaa shalay waxa ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimashada in ka badan lix qof inta la og yahay, iyadoo khasaare kalena uu geystay dagaalkaasi.
Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo ka tirsan maamulka Hir-Shabelle, horena u soo noqdey wasiirkii warfaafinta maamulkaasi oo la hadlaayey VOA-DA ayaa ku baaqay in dirirta la joojiyo, waxana uu ku eedeyay dagaalka in ay qayb ka noqdeen ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka jooga.
” Shalay waxaa ka dhacay deegaan woqooyiga kaga beegan magalada Baladweyne oo 40km u jira dagaal, halkaas dad beeraley ah lagu xasuuqay, meeshaas waxaa dhowr jeer ku soo noqnoqday dagaal beeleedyo meeshaas ka dhaco, muddo 30 sano ah meeshaas ka jirtay.Nasiib darrada meesha taallo waxaa ay tahay in ciidamadii xoogga dalka oo adeegsanaayo hubkoodii iyyo gaadiidkoodii in halkaas ay ku laayaan dad beeraley ah, iyaga oo garab siinaayo mid ka mid ah beelihii meeshaas ku dagaalamay, ilaa iyo hadda waxaa ay dadka deegaanka ii sheegeen in ay goobta ku geeriyoodeen lix qo, runtii dhaawacna waa jiraa intaa ka badan” ayuu yiri xildhibaanka Mahad Xasan.




From the comments