Taabit Cabdi Maxamed guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dil galinkii dambe ee shalay degmada Xamarjabab askari ka tirsan boolika Soomaaliya uu ku dilay Oday miis yar ku lahaa laamiga dhinaciisa.
Taabid ayaa yiri”Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin” ayuu yiri.
Sidoo kale isaga oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay inuu murugada uu la qeybsanayo qoyska marxuumka, isaga oo baaq u diray laamaha amniga” Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoyska marxuum Cumar Xasan, waxaana Rabbi uga baryayaa naxariistiisa, qoyskana samir iyo iimaan, Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan” ayuu yiri Taabit Cabdi.




From the comments