Wafdiga wasiiradaa ayaa qorshaynaya wajiga labaad ee xareynta maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaal ee ay wataan kuwaasoo qeyb ka ah hawlgalka tababarka Ciidamada daraawiishta Galmudug.
Wasiir Axmed Macalin fiqi iyo wafdiga la socda ayaa maalmihii dambe deegaannada Galmudug ka waday wajiga koowaad ee xareynta maleeshiyaadka iyo hubkooda, oo wasaaraddu sheegtay in tababar iyo dhaqan celin loo sameyn doono si ay uga mid noqdaan dhismaha ciidamada maamulka.

Goobjoog News




From the comments