Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen ) ayaa maanta oo jimco ah xarigaka jaray xarunta hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee degmada xuddur oo ka mid ah goobaha Barnaamijka si isxilqaan ah lagu sameeyey.
Madaxweyne Cabdicasiia Lafta Gareen ayaa booqday guud ahaan dhismaha ay ka koobantahay xarunta ha’yada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka degmada xuddur waxaana uu shacabka ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixiyeen dib u dayac tirkaan xaruntaan muhiimka u ah degmada iyo guud ahaan amniga.
Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida qaranka ee soomaaliya ayaa dadaal badan gelisey sidii ciidamada nabadsugida uga howlgali lahaayeen degmada xuddur, waxana muddooyinkii dambe ciidamo u carbisan shaqada loo igmaday howlgalo nabada lagu sugayo ka sameynayaan ghdaha magaalada.




From the comments