Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan qarax ka dhacay degmada Deyniile oo ay ku waxyeeloobeen caruur wada dhashay ka dib markii ay ku ciyaareen aalad qaraxda.
Qaraxa ayaa yimid ka yimid ka dib caruurta ay ku ciyaareen aalad qaraxda oo ay ka heleen meel aan sidaas uga fogeyn gurigooda caruurta ayaana garaacay taas oo qaraxa dhalisay.
Waxaa geeriyooday hal wiil waxaana dhaawac ka soo gaaray labo gabdhood oo la dhalatay wiilka ayaa magaciisa lagu shrrgay Cabdullaahi Macalim Aadan Maxamuud oo sagaal sano jir ah.




From the comments