Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay masuuliyiin hore uga tirsanaa maamulkooda ku eedeysay inay wadaan khalkhal gelin amni waxaana la sheegay in masuuliyiintaas ay kicin ciidan ka wadaan gobalka Gardafuu.
Guddoomiyaha gobalka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in masuuliyiin hore uga tirsana Puntland ay gobalkiisa ka wadaan khalkhal gelin amni waxa uuna hoosta ka xariiqay in amniga gobalka Gardafuu uu yahay mid la isku halayn karo.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in guddoomiyihii hore ee gobalka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab iyo Mahad Carar oo sida uu sheegay laga ceyriyay wasaaradda Kaluumeysiga ay soo abaabuleen ciidan islamarkaa waxa uu carabka ku dhuftay in raggaasi ay yihiin kuwo horey shaqadoodii ugu fashilmay.




From the comments