Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabay hadal dhowaan ka soo yeeray guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in laga wanaagsanaa Faysal inuu sidaas ku hadlo maadaama uu yahay guddoomiye Xisbi loona baahan yahay inuu dhowro xasaanadda, isaga oo ku eedeeyey inuu colaad ka dhex hurinaayo beelaha dega deegaannada Somaliland sida uu sheegay guddoomiye Baashe.
“ Faysal maahan qof caadi ah oo suuqa jooga waa guddoomiye xisbi oo xisbi qaranka uu leeyahay ayuu joogaa, hadallada uu ku hadlay hadallo kuwo loo dulqaadan karo maaheyn hadal anshaxa ka baxsan ayuu ahaa hadallo gaf ayuu ahaa, aniga shaqsi ahaan waxaa uu iga sheegayo wax kama qabin anigu kursi ayaan fadhiyaa siyaasad ninkii gaaa xaq ayuu u leeyahay in la maago”




From the comments