Wararka aan ka helayno duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in in ka badan 10 ruux ay ku geeriyooden qarax saakay arroortii ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole waxaana xogta qaraxaasi ka soo baxaya warar kala duwan.
Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah kuwaas oo ku sii jeeday degmada Wanwalweyn ee gobalka Shabeellaha hoose.
Gaariga oo dhamaantiis gubtay ayaa waxaa wararka qaar ay sheegayaan inay ka badbaadeen saddex qof oo kaliya, ilaa iyo haddana ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga helay dadka dhintay waxa ay ahaayeen marka laga tago inay dad shacab ah oo waddadaasi isticmaalayay ahaayeen.




From the comments