Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa garoonka Aadan cade ee Magaalada Muqdisho salaadda jinaasadda kula tukaday allah ha naxariistee maydka safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud Samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho.
Allha ha naxariistee Meydka Safiirka ayaa loo qaaday dalka uu udhashay ee sacuudiga si loogu aaso waxaana madaxdii Sagootinta ka qaybgashay ay uga tacsiyadeen ehelada marxuumka,dowladda Sacuudiga iyo sidoo kale Jaamacadda carabta oo uu Soomaaliya uqabilsanaa.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawud iyo Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku hadlayay afka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi udiray shacab weynaha iyo Dowladda Sacuudiga geeridii ku timid allah ha naxariistee safiirkii jaamacadda carabta ufadhiyey Soomaaliya danjire Xaamud samraan Alkuwait oo ku geeriyooday Muqdisho.










From the comments