Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee sector 4 ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay sugida amniga iyo wada shaqeynta Maamulka Gobolka Iyo ciidamada AMISOM.
Saraakiisha AMISOM ayuu ku booriyay sida ay dagaalka ka dhanka ah Al shabaab uga wadaan deegaannada maamulka Hirshabeelle isaga oo saraakiisha ku sii dhiira geliyay inay wadaan howlahooda la xiriira sugidda amniga.
Dhanka kale Madaxweyne Waare oo ay wehlinayay guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Wasiirka Madaxtooyada Abdullahi Mohamed Addow, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska, Jama Hashi wasiirka dekadaha Faarax Maxamed wasiirka ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray xarunta logu talagalay latacaalida dadka uu so rito Covid-19.




From the comments