Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kula kulmay, xubno ka tirsan golaha wasiiradda Hirshabelle iyagoo ka wada hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada,
Sidoo kale Waxaa Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka Xalka Waara ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha.
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo golahiisa wasiirada ayaa sidoo kale isla soo qaaday dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne iyo sidii biyaha kusoo fatahay xaafada looga saari lahaa maaadaama isku socodka uu go’ay .




From the comments