Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay soo gaareen lacago ka kala yimid dowladaha Somaliya iyo Jabuuti.
Waare iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa iney kulamo la qaateen maamulka iyo waxgaradka Hiiraan si loo qiimeeyo xaaladda fatahaadda webiga Shabeelle gaar ahaan agagaarka Baladweyn.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in lix boqol oo kun oo dollar ay ka soo gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti.




From the comments