Ciidamada Kumandoska Somaaliya ee Danab ayaa sheegay iney weerareen degaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, iyaga oo sheegay in ay khasaare ugu geysteen Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada Xoogga ee Danab ayaa intaas ku daray in xiliga ay weerarka ku qaadayeen uu degaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare sare oo ka tirsan Al-shabaab , ayna weerar ku qaadeen markii ay xogtaas heleen sida ay sheegeen taliska ciidamada xoogga dalka ee Danab.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandoska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa wuxuu Warbaahinta qaran u sheegay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen goobtii uu shirku uga socday saraakiisha ka tirsan Al-shabaab waxaana ay sheegeen in ciidamada ay weerarka ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ajaanib iyo Soomaali isugu jira.




From the comments