Somaliland ayaa maanta ka hortimid barnaamijka baxnaano oo dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka furay Muqdisho,
Barnaamij Baxnaano ayay sheegtay dowladda Soomaaliya in lagu taakulaynayo dadka danta yar ee Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Dalka oo ay wajigiisa 1-aad ka faa’iideysan doonaan 1.3 milyan qof.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Baraamijka Baxnaano uu qeyb ka mid ah ka fulaayo deegaannada ka tirsan Somaliland.
Soomaaliland ayaa ku tilmaamay Baxnaano mid xad gudub ku ah, waxayna sheegtay in uu faragelin qaawan iyo waxyeelo amni uu ku yahay Somalailand, wasaaradda ayaa intaas ku dartay inuu yahay barnaamij lagu marin habaabinayo beesha caalamka.





From the comments